Marocco oo noqotay xulkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah oo gaara semi-finals

|

(Onkodradio.so)-Morocco ayaa noqotay xulkii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee gaara semi-finalka koobka aduunka waxayna soo afjareen rajadii Cristiano Ronaldo ee Portugal.

Weeraryahan Youssef En-Nesyri ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhaliyay goolkii guusha, ciyaar ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium.

Taageerayaasha dhinaca woqooyiga Afrika ayaa soo buux dhaafiyay goobta inteeda badan waxayna si farxad leh ugu dabaal dageen horumarka ay ka gaareen masraxa caalamiga ah.

Related Articles

News In English

Fikradaha