Meydadka Tahriibayaal ah oo laga helay duleedka Caasimada Zambia

|

(Onkodradio.so) Booliska Zambia ayaa helay meydadka 27 ruux oo la rumeysan yahay inay ahaayeen tahriibayaal ka yimid Itoobiya, kuwaas oo lagu daadiyay beero ku yaal duleedka caasimadda Zambia ee Lusaka.

Tahriibayaashan ayaa la rumeysan yahay inay u dhinteen gaajo iyo daal, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Hal qof keliya oo ka badbaaday ayaa la helay isagoo nool saacadihii hore ee Axadda, waxaana loola cararay isbitaalka Lusaka si loogu dabiibo, halka dadka dhintayna loo qaaday goobta meydadka lagu keydiyo si loo aqoonsado,waxaana socota baaritaanno lagu sameeynayo si loo ogaado sababta dhabta ah ee dhimashada.

Related Articles

News In English

Fikradaha