Askariga ayaa markii uu dilka geystay kadib isku dayay inuu goobta ka baxsado balse Ciidamada NISA ayaa soo qabtay oo gacanta kusoo dhigay.
Marxuumka oo ahaa nin dhallinyaro ah islamarkaana ku xamaalanayay mootoBajaaj ayaa in muddo ah waxa uu meydkiisa dul saarnaa mootadiisa waloow markii danbe laga qaaday goobta.
Askarigan oo hadda ku jira gacanta ciidamada NISA ee degmada Balcad ayaa la filayaa in la marsiiyo caddaladda.
Cabdullaahi Cali Cabdulle
Xafiiska Warqabadka Muqdisho