Muqdisho (ONKOD ) Magaalada Muqdisho laba maalin ka hor waxaa ka dhacay weerar dad badan ay ku dhinteen kaas oo ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Mudisho.
Qaraxyadan oo masuuliyadiisa ay sheegteen kooxda Al- Shabaab oo dagaal kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ilaa iyo hadda ka hadlin madaxda saree e Dowladda Soomaaliya oo aan ka dirin wax Tacsi ah.
Saraakiisha Dowladda dhankooda wali dadka shacab ah ma aysan siin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyadan iyo sida loo soo abaabulay marka laga reebo khasaare kooban oo ay soo bandhigeen ciidanka Booliska.
Waxaase jira tuhun badan oo ka dhashay weerarkan sida uu u dhacay , iyo sida suurtagal ay ku noqotay in kooxda ay ka gudubto meelo si aad ah loo ilaaliyo ka hor inta aan la gaarin xeebta Liido ee Muqdisho.
Shakiga ugu badan waxa uu dhashay markii Dowladda Soomaaliya ay qarisay maydadka xubnaha ay ku sheegtay Al- Shabaab kuwaas oo xirnaa dharka ciidanka cusub ee loogu talagalay amniga caasimadda.
Dad ku sugan Xeebta Liido ayaa sheegay in ay arkayaan ciidan xiran dharka cusub ee Boolis Militario kuwaas oo markii dambe bilaabay in weerar ay ku qaadaan Hotelka Pearle Beach halkaa soo dad badan ay ku sugnayeen.
Dowladda ma aysan ka hadlin halka kooxda ay ka keentay dharka cusub ee Ciidanka ilaalada degmooyinka ee tababarkooda uu gacanta ka gastay Imaaraadka carabta.
Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale loo diiday in ay ka hadlaan wax ka baxsan warka ay baahiyeen ciidanka booliska ee keliya ay ku soo bandhigeen khasaaraha taa soo muujinaysa sida aan u jirin isla xisaabtan Hay’adaha amniga ee Dowladda.