Muqdisho (ONKOD) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya , ayaa howlgal la sheegay in amniga lagu sugayo ka wada xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho , si loo barataraalo amniga.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ka kala dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Heliwaa iyo deegaanka loo dalxiis tego ee Daarusalaam oo isna ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Booliska magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney soo xireen koox ka tirsan dhalinyarada ciyaal weerada loo yaqaano oo lagu tuhunsan yahay iney wiil dhalinyaro ah dil kula kaceen.
Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu in raggan oo sadex nin ka kooban la xiray ayna socdaan baaritaano.
Booliska ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado baaritaanka raggan la marin doono Cadaalada.
Inkastoo ciidanka amaanka DF ay wax badan ka qabteen dhibaatooyinka ciyaal weerada ku hayeen xaafadaha Muqdisho qaarkood haddana kooxahan ayaa weli dilal iyo dhibaatooyin kale ka wada Meelo ka mid ah caasimada.