Beledwayne (ONKOD ) Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jayte Cusmaan ayaa ka biyo diiday inuu u hoggaaansamo xil ka qaadista lagu sameeyay maanta ka dib wareegto ka soo baxday Madaxwaynaha Hirshabeelle
Shirjaraa’id oo maanta uu ku qabtay magaalada Beledwayne ayuu ku sheegay Cali Guudlaawe in aysan waxba ka jirin ogolaan doonin warqada ka soo baxday Xafiiska Cali Guudlaawe.
Waxa uu ku nuux nuuxsaday Cali Jayte in ay ka baxayaan maamulka Hirshabeelle isla markaana ay noqon doonaan maamulka ka madax banaan Hirshabeelle sida uu yiri.
Waxa uu yiri ” Hiiraan waxa la dhahaayo Hirshabelle ma aqoonsana”, isagoo ku dhawaaqay maamul uu ugu magic daray Hiiraan State.
Hadalka ka soo yeeray Cali Jayte ayaa la saadaalinayaa inuu sii adkeynayo xaalada gobolka Hiiraan waxana Guudlaawe uu wareegtidiisa uu ku sheegay inuu kala tashtay xil ka qaadista Cali Jayte ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.
Si kastaba xaalada gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid qasan dhanka siyaasadda isla markaana uu soo baxayo muran la xiriira hanaanka maamul taas oo culays kale ku kordhin karta Dowladda Soomaaliya.