Muqdisho (ONKOD ) Shir u dhaxeeyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee hadda jooga iyo Ra’iisulwasaarihi hore ayaa ka dhacay xafiiska Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.
Xubnaha uu kulanka la qaaday Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya waxaa ka mid ah labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Ra’iisul wasaaraha ayaa labada mas’uul kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa iyo guud ahaan qorshaha dowladda dhexe.
Inta uu kulanka socday waxaa lagu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab iyo halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow, & hannaanka dalkeenna looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna.
Labada masuul ayaa ka mid ee Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare uu kulanka la qaaday ayaa ka mid ah madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa ah mid madaxda dowladda Federaalka iyo siyaasiinta ay ku gorfaynayaan xaaladda dalka, amniga dagaaalka, Al-Shabaab dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka.