Nairobi (ONKOD ) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabashado isu bedelay oo sababay dhimasho iyo dhaawac bood , iyo burburin goobo ganacsi
Inta ay socdeen rabashadahan waxay saamayn xooggan ay soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh xaafada Islii iyo magaalooyinka kale kuwaas oo dalbananay in ciidamo dheeraad ah la geeyo xaafadahaas.
Inta la xaqiijiyay 10 ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay halka ay dhaawacmayn boqolaal kale, sida ay xaqiijiyeen goobaha caafimaad iyo laamaha ammaanka Kenya.
Sida laga soo xigtay Hay’adaha u dooda xuquuda Aadanaha dadka dhintay qaarkood waxaa toogtay ciidanka amniga kuwaas oo doonayay in ay ka hortagaan dibadbaxyada isku bedelay rabashadaha ee khasaaraha sababay.
Ganacsi badan ayaa la boobay waxa sidoo kale la burburay goobo kale oo muhiim ahaa taas oo keentay cabsida faraha badan ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka dalkaas ama kuwa kale ee ganacsiga ku leh
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga dalka Kenya oo ka hadlay dhacdadii shalay ayaa cambaareeyay dibadbaxyaasha ka dhacay dalkaas, isaga oo wacad ku maray in dowladdiisa ay soo xirir doonto qaban qaabiyaasha iyo dadka ku bixiyay dhaqaalaha.