Jowhar (ONKOD ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay magaalada Jowhar halkaas oo qorshuhu ahaa inuu kula kulmo qaybaha bulshada iyo saraakiisha ciidan.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dib ugu soo laabtay Garoonka magaalada Jowhar halkaas oo uu kula kulmay keliya Madaxwayanaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Sida xogaha ay sheegayaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cabsi amni darteeda ugu soo laabtay Garoonka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Safarka Xasan Sheekh ee magaalada Jowhar ayaa qayb ka ahaa booqashooyin uu ku doonayay inuu ku tago gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug halkaas oo ay ka socdaan howlgal ka dhan ah Al- Shabaab.
Tuulooyinka ku dhaw dhaw magaalada Jowhar ayaa lagu soo waramayaa in ay aad ugus oo dhawadeen kooxda Al- Shabaab taas oo keentay cabsida soo wajahday Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Villa Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin , xaalada cabsi ee soo wajahday Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya