Muqdisho (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan isugu yeeray qaar ka mid ah saeaakiisha ciidanka Dowladda kuwaas oo uu kala – hadlay amniga dalka iyo qaraxii askarta badan ay ku dhinteen ee ka dhacay dhawaan Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.
MD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in saraakiisha amniga ee uu la kulmay uu amray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan weerarkaas oo dhaliyay shaki badan .
Waxa ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhaw kulanka Madaxwaynaha iyo saraakiisha in la isla soo qaaday in baaritaankaas uu u yahay mid furi doona waddo isla xisaabtan .
In lala xisaabtamo saraakiisha ayaa la sheegay in kulankaas uu qayb ka ahaa isla markaana aysan noqon wax kasta mid halkooda looga tago sidii ay dhacday marar badan.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta gudaha u dusiyay in madaxweynaha warbixin hordhac ah laga siiyay qaabka uu weerarkaasi u dhacay, khasaaraha ka dhashay iyo xogta ismiidaamiyaha oo ay ku jirto sida uu bartilmaameedkiisa ku gaaray.
Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, ayada oo madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay saraakiisha qaar.
Qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa fuliyay qof soo xitay jaakadda qaraxyada, kaas oo gudaha u galay xerada.