Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddi u saaray dhacdadii murugada lahayd ee Ciidamada AMISOM ay ku laayeen dad shacab ah Gobolka Shabeellaha Hoose

|

Muqdisho, Ogoosto 21, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Safiirka Dowladda Uganda ee Soomaaliya iyo Taliyaha Qeybta Ciidamada Nabadda Ilaalinta Afrika ee Uganda ayaa cambaareeyey dhacdadii murugada lahayd ee Ciidamada AMISOM ay ku laayeen dad shacab ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in falkaas loo xiray Saraakiil iyo Askar ka tirsan AMISOM si loo dhammeystiro hannaanka cadaaladeed ee dhacdadaas, iyadoo Diblumaasiyiinta Uganda ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM ay muujiyeen sida ay uga xunyihiin dhacdadaas, diyaarna ugu yihiin dhaqan-gelinta natiijada baaritaanka wadajirka ah ee la sameeyey.

“Marna aqbali mayno haddaan nahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, raalina ka noqon mayno in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed hadday tahay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliyeedba, annagaa diyaar u ah in aan u istaagno xaqooda.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi ka kooban Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u xilsaaray in ay arrintaas degdeg wax uga qabtaan.”

Ugu dambeyntii, Ra’ iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray dhamman ehelada dadkii rayidka ahaa ee ku geeriyooday falkaas arxan darrada ah, waxa uuna adkeeyey sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u daba-gelyso arrinkaas, una dhammeystirayso barritaannada socda.

Related Articles

News In English

Fikradaha