Muqdisho (ONKOD ) Waxaa soo baxaya war ku saabsan inuu baneeyay xilka Agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo saxiib dhaw lahaa Madaxwaynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud
In muddo ahba waxaa la hadal hayay in Xuseen uu damac kaga jiro xilka Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii waqtiga uu ka dhamaaday Cabdicasiis Laftagareen.
Xuseen Sheikh Maxamuud ayaa iska casilay xilkiisii Agaasimaha, waxa uuna istaqaallada u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Agaasimaha waxa uu kaalin ku lahaa in madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya uu ku soo baxo hoggaanka dalka , waxaana uu ka mid yahay xisbigiisa.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Mr Xuseen Madaxwayne Xasan uu ku riixi doono sidii u noqon lahaa Madaxwaynaha koonfur Galbeed
Dhammaadkii bishii may 2022-ka ayaa loo magacaabay agaasimaha guud, waxa uuna kamid ahaa raggii sida aadka ahaa uga dhex muuqday ololihii madaxweyne Xasan Sheekh