Dhuusmareeb (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo culays ka haystay beelaha , dega galgaduud si gaar ah Ceelbuur ayaa kulan la qaaday odayaasha deegaanka.
Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa kala – hadlay Odayaasha dhaqanka Deegaankaas ka soo jeeda howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee la doonayo in dhawaan uu bilowday.
Xasan Sheekh ayaa odayaasha u sheegay in la diyaariyay ciidankii xureyn lahaa degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.
Madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha in looga fadhiyo marka la xureeyo deegaannada iyo degmooyinka beesha degto in la helo ciidamo deegaanka ah iyo sidii looga shaqeyn lahaa dadka in dib loogu soo celiyo deegaannada.
Siyaasiinta & Saraakiisha Dowladda ayaa hore u sheegay in ay arkayaan in ciidamo ahayn kuwa deegaanka la hubaynayo , taas bedelkeedana ay ahayd in loo daayo saraakiisha deegaanka.
Odayasaha la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday in ay ka shaqeyn doonaan abaabulka ciidamo deegaanka ah , waxa ay sidoo kale madaxweynaha ka codsadeen in dowladda diyaariso kaalmooyin la gaarsiiyo dadka deegaanka
Tabashadan ay qabaan sarakiisha ayaa keentay in dib loo dhigo safarkii Madaxwaynaha uu ku tagi lahaa Dhuusmareeb iyo inuu soo baxo khilaaf ku saabsan howlgalka.