Muqdisho (ONKOD ) Maanta oo Axad ah xarunta Golaha shacabka waxaa ka qabsoomay fadhi su’aalo lagu waydiinayay Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa wasiirka wax ka weydiiyay shaqada guud ee wasaaradda, gaar ahaan arrimaha ciyaaraha iyo horumarinta garoomada ku yaalla gudaha dalka.
Xildhibaanada ayaa su’aalo adag waydiiyay Wasiirka kuwaas oo intooda badan u badanaa cayaaraha dalka sida ay uga danbeeyaan kuwa dalalka deriska iyo waxa keena fadeexadaha cayaaraha.
Fadeexaddii Somalia ka soo gaartay tartankii orodka ee dalka China, ayaa ka mid ahaa waxyaabaha la waydiiyay wasiirka kadib markii gabadhii u tartameysay Somalia oo lagu magacaabo Nasra Abuukar Cali ay gashay kaalinta ugu dambeysa ee tartanka.
Wasiirka oo ka jawaabay su’aashaas ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay laheyd kaliya soo jeedin, ayna u martay guddiga Olombigada iyo xiriirka ciyaaradaha fududud.
Xildhibaan Nadiif ayaa wasiirka ciyaaraha weydiiyey Habraaca loo maray shaqo ka joojintii guddoomiyaha ciyaaraha fudud iyo wasiirka oo ka hadlay.