Muqdisho (ONKOD ) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa isugu yeeray Guddoomiyahaasha degmooyinka gobolka Banaadir shir deg deg ah.
Shirkan ayaa la sheegay in looga hadlay amniga caaasimadda oo dhawr jeer ay ka dhaceen falal amni darro oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka ku nool magaalada Muqdisho.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha gobolka Banaadir Guddoomiyaasha qaar uu ku canaantay wax ka qabasho la’aanta falalka amni darro ee ka jira caasimadda.
Inta waxa uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Banaadir in degmooyinka qaar ay ka dhacaan dhibaatooyin badan oo xaga amniga ah taas oo ku canaantay maamulada qaar.
Shirka ayaa sidoo kale loogu hadlay la-dagaalanka Maandooriyaha, Garan-waaga, Nadaafada iyo Bilic soo celinta Caasimadda, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir.
Kooxda Al- Shabaab ayaa dhawr jeer magaalada Muqdisho waxa ay ka gaysteen falal amni darro , si gaar ah waxa ay ka fuliyeen dilal iyo qaraxyo waxyeelo gaystay.