Garoowe (ONKOD ) Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi DENI ayaa sheegay in deegaanada maamulkaas uu dhibaato ku haya waxyaabaha maanka dooriya.
Waxa uu sheegay Saciid Deni in dhibaatooyin badan oo sabab ah maandooriyaha uu raagaadiyay wax badan oo ay qabansan lahayeen dhallinyarada Puntland.
Saraakiisha ciidanka Puntland ayuu ugu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada dhibaatadaas maandooriyaha uu ku hay deegaanda maamul goboleedka Puntland.
Waxa uu soo hadal qaaday in dhibaatadaas maandooriyaha ay qayb ka yihiin ciidankii loo baahnaa in ay sugaan amniga deeganada waxa uuna ka digay sii socoshadaha isticmaalka maandooriyaha.
“Waa in la xakameeyaa isticmaalka muqaadaraadka oo ayaamahaan dambe aad usoo kordhay, kuwii la rabay in ay xakameeyaan ee ciidamada ah ayaa ku laban dadka isticmaala,” ayuu yiri Saciid Deni.
Deni ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay la-dagaalanka dadka ka ganacsada walxaha maanka-dooriya iyo kuwa isticmaala, isaga oo soo jeediyay in lagu garab istaago howl-galladaasi.