Beledwayne (ONKOD) Magaalooyinka ka mid ah dalka waxaa ka soconaya banaanbaxyo waawayn oo loogu diidan yahay xariga Dowladda ay kula kacday Generaal Sheegow oo gacanta Dowladda ku jira.
Waddooyin badan oo gobolka Hiiraan ah waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo waawayn oo lagu diidan yahay xariga Generaal Sheegow oo cara badan dhaliyay.
Waxaa la arkayay dibad-baxayaasha oo lugeynayaa waddooyinka waa weyn ee magaalada, isla-markaana dalbanaya in lasoo daayo sarkaalka la xiray oo dagaal lagu soo qabtay.
Goobo badan oo magaalada ah ayaa la xiray – maanta waxaana jiray in meelaha qaar la soo sheegayo in ay ka dhaceen rabashado arintan la xiriirta waxaana jira in dadka qaar waxyeelo ah ay soo gaarto.
Inta la xaqiijiyay 1 qof oo ka mid ahaa dadweynaha dhigayay dibadbaxa ayaa geeriyooday laba kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya