Muqdisho (ONKOD ) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa in muddo ah waxa u dhaxeeya khilaaf xooggan kaas oo ka dhashay , magacaabistii Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya iyo Saciid Deni kulankooda la saadaalinayo inuu ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Waxyaabaha ugu badan ee dhinacyadu ay ka hadlayaan ayaa ah , sidii loo dhamayn lahaa khilaafka mudada dheer soo jiray ee keenay in Puntland ay ku dhawaaqdo in ay ka madax banaan tahay Federaalka.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku maqan Dubia uu ka degi doono magaalada Gaalkacyo oo uu ogolaaday la hadalka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo hada uu soo baxayaan wararka ku saabsan , wada- hadal dhaxmara Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni hadana lama oga in Deni uu ka qayb gali doono in kale shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya Dhuusamarreeb, todobaadka soo socda.