Muqdisho (ONKOD ) Magaalada Muqdisho waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay weeraro toos ah oo u dhaxeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab.
Dagaaladan xoogooda waxay ka dhaceen degmooyinka Kaxda iyo Yaqshiid ee magaalada Muqdisho ,halkaas oo ay fooda is dareen Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.
Degmooyin badan oo gobolka Banaadir waxa ku dhacay hoobiyaal tiro badan kuwaas oo qalqal galiyay amniga caasimada magaalada Muqdisho.
Saldhiga degmada Kaxda ayaa ah meesha ugu daran ee kooxda weerarka ay ku qaaday halkaas oo ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Sooamaliya
Hodan meelo ka mid ah waxaa ku dhacay dhawr hoobiyaal ah lama sheegin waxyeelo ay gaysteen xili saq dhaxe ah ayaa hoobiyaashaas waxa ay ku dhacayeen xaafadaha degmooyinka Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya wali wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin weeraradan xalay ka dhacayay magaalada Muqdisho , inkastoo xaaladu ay degan tahay hadana meelaha qaar wax aka jirta saamaynta hoobiyaasha iyo dagaalada