Muqdisho (ONKOD ) Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay , weerar jihooyin badan lahaa ka dhacay oo magaalada Muqdisho ay ka gaysteen kooxda Al- Shabaab.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al Shabaab weerar qarax ku bilowday xalay ku qaadeen saldhigga booliiska degmada Kaxda, sidoo kale weerareen goobo kale.
“Khasaaraha goobta ka dhashay ayaa ah dhimashada laba askari oo kamid ahaa ciidankii halkaa Khawaarijta kula fal-galay oo ka difaacay iyo dhaawaca saddex kale” ayuu yiri.
Ujeedka ay kooxda weerarkan ka damacsaneyd ayuu sidoo kale ku sheegay inay isaga jeedineysay culeyska iyo cadaadiska ka soo food saaray howlgallada ka socda gobollada.
Weerarka Al Shabaab xalay ku qaadeen degmada Kaxda ayaa ahaa kii ugu xooganaa ee muddooyinkan ka geestaan Muqdisho, waxaana weerarkan uu yimid xilli Galmudug uu ka bilowday howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.