Muqdisho (ONKOD ) Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday darawal waday gaari lagu soo raray walxa Qarxa iyo shan haween oo saarnaa gaarigaas kuwaas oo Maxkamaddu sheegtay in ay ahaayeen xaasaska xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Sedax sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday
Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin Maamooyinkan muddo laba sana ah oo ah ilku haynta Boliiska, Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi
waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa August 8, 2023-ka waxa ay u fadhiisatay dhagaysiga dacwaddaan iyada oo dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa, sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda.