MD Xasan “Waxaa la joogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka qiyaanada sameeyay’’

|

Dhuusmareeb (ONKOD ) Madaxwaynaha  Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la  joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa sida uu sheegay qalqal galinaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Hadal uu jeediyay ayuu ku soo hadal qaaday Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in ay jiraan kuwa doonaya in ay dhabarka ka jabiyaan dagaalka Dowladda hormuudka ka tahay ee ka socda gobolada dalka.

“Waxaa la joogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa awooda ciidanka ee la siiyey, dowladnimo waa isla xisaabtan, ogaada kuwa ka shaqeynaya qalqal gelinta ciidanka waa Shabaab, noogama sokeeyaan,” ayuu  yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar uu ka hadlayay dagaalkii shakiga badan dhaliyay ee ka dhacay Cawswayne Galgaduud ayuu sheegay Xasan Sheekh in keliya khasaaraha uusan ku ekayn ciidanka  sidoo kale khasaare la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa la joogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ku tagri falay, qiyaanada sameeyay, dadka mara dab dabeeyay. Waagii lala xisaabtami lahaa bilowgeedii waa la joogaa,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya kadib markii ciidamo badan oo ku sugnaa deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ay ka soo baxeen markii ay ciidamada dowlada waxyeelo xoog leh ka soo gaartay dagaal ka dhacay deegaanka Cawsweyne

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha