Istanbul (ONKOD) Maalmo ka hor qarax ismiidiima ah oo waxyeelo u gaystay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa kooxda Al- Shabaab waxa ay ka gaysteen deegaano ka mid ah Gobolka Mudug.
Masuuliyiinta waxyeelada soo gaartay waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo dhabanacad
Madaxwaynaha Galmudug iyo Cabdiqaybdiid labaduba waxa lagu dawaynayay Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer halkaa soo xaaladooda lagula tacaalayay.
Warar hadda soo baxaya ayaa sheegay in senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid dhaawaciisa loo qaaday dalka Turky halkaas oo la sheegayo in xaaladiisa lagula tacaali doono.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Cabdiqayb-diid lala qaaday seddax qof oo qaba dhaawacyo lamase sheegin dadkaas dhaawaca ah ee raacay magacyadooda iyo halka ay ku soo dhaawacmeen.
Senator-ka ayaa maalmahan xaaladiisa waxaa lagu dawaynayay magaalada Muqdisho hase ahaatee waxa ay u muuqataa in loo baahday in dalka dibadiisa loo qaado si xaaladiisa si dhab ah wax looga qabto.
Dowladda Soomaaliya ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan dhaawac Cabdiqayb-diid ee maanta loo qaaday dalka Turkey.