Hargaysa (ONKOD) Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay wadaan duyaargarow la xiriira sidii markale ciidanka maamulkaas ula wareegi lahaayeen gobolada Sool iyo Sanaag.
Madaxwaynaha Somalilad Muuse Biixi ayaa hanjabaad u diray SSC-KHAATUMO iyo sidoo kale maamul ka Puntland, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin cadowga Somaliland ku soo duulay.
Lama aqbali karo in taako kamid ah Somaliland lagu soo xadgudbo, isla-markaana ay tallaabo adag ayaa ka qaadi doona cid kasta oo soo tallaabta ‘’ ayuu yiri Muuse Biixi.
Cadowga koowaad ee Somaliland, ayuu sheegay in ay Puntland tahay, isagoo cadeeyey in ay is huran yihiin, oo ay dagaalami doonaan lana arki doono kii guuleysta
“Abaalka waa in laga waraabiyaa lana ogolaanin in ay taako soo gudbaan, waan is huranahay haddii ay dhul naga qaadi karaan iyo in kale” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdo
Xuduudaha Somaliland ayuu sheegay in ay lamid yihiin kuwii uu ka tagey Gumeystihii Afrika, isagoo sheegay in xaduuda Somaliland ay aqoonsan yihiin QM, Midowga Afrika & IGAD.