Muqdisho (ONKOD) Ciidanka Dowladda Soomaaiya ayaa xabsiga dhigay nin la dhashay hoggaamiye hore Al- Shabaab haatan ah Wasiirka Arrimaha Diinta iyo awqaafta Xukuumada Soomaaliya.
Ninkan la xiray oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali ayaa katirsanaa guddiga tartanka adeegga xajka ee sanandkii hore iyo sidoo kale isla guddigan uu isbuucii hore uu mar kale magacaabay wasiir Mukhtaar Roobow.
Sida aan wararka ku helnay ninkan la xiray ee Ibraahim Roobow ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal la xariira musuq maasuq, waxaana baaritaanno ku wada laamaha ammaanka dowladad Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ma uusan ka hadlin sababaha keenay in xabsiga la dhigo masuulkaan la dhashay Wasiir Roobow isla isagana kama uusan hadlin xariga walaalkiisa
Xubno kale oo katirsan guddigii adeegga xajka ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku socdaan baaritaanno, waxaana xubnahan lagu eedeeyay in aysan u adeegin sidii loogu tala galay ayna ku kaceen falal wax isdabada marin iyo musuq maasuq ah.