Nairobi (ONKOD) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay shir laba geesood ah oo ay wada yeesheen laamaha amniga ee dalkaas iyo hoggaamiyaasha Soomaalida ganacsiga ku leh xaafadda Islii.
Shirkan ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen suurtagalnimada in Islii ay ka dhici karaan falal argagaxiso , ka dib dagaalka dagaalka Isreal ay ku qaadeen Falastiin.
Saraakiisha Kenya ayaa Soomaalida u sheegay in ay muujiyaan feejignaan la xiriira amniga suuqa islii ah oo ah meel ay aad ugu badan yihiin dadka Soomaaliyeed.
Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la dhigay suuqyada Soomaalida ay ku badan yihiin ee Kenya.
Dadka Soomaalida ayaa la sheegaa in ay yihiin kuwa ugu badan ee ganacsiga ku leh xaafada Islii ee Nairobi halkaas oo ay soo baxayaan digniin la xiriirta amniga suuqa.
Dhankooda hoggaamiyaasha Soomaalida ayaa muujiyay sida ay u doonayaan in arimaha amniga ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka ee dalkaas kuwaas oo heegan ugu jira ka hortagida falalka amni daro.
Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa sidoo kale dhowaan muwaadiniinta Maraykanka ee Kenya u jeedisay digniinno la xiriira inaysan tagin goobaha ay dadku ku badan yihiin.