Garoowe (ONKOD ) War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga PEC ayaa lagu caddeeyay in doorashada madaxtooyada iyo Baarlamanka Puntland loo asteeyay in ay qabsoonto 25 bisha Feb, 2024.
Guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono bisha December ee sannadkan 2023.
Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay mudda xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024.
Talaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradsan uu u dhexeeyo khilaaf xoogan oo la xiriira doorashooyinka.
Xubnaha, mucaaradka ayaa sheegaya ineysan aqoonsan doonin talaabo kasta oo ay qaadaan guddigan oo ay ku eedeeyeen inuu yahay mid u shaqeeya Deni.
Dallada Mucaaradka Puntland waxay dhawaan bulshada la wadaagtay khatarta iyo marin ahaabinta joogtada ah ee sidii looga bartay xukuumadda wakhtigeedu dhammaadka yahay ay dadka Puntland uga weecineyso waaqica jira iyo tubta toosan.
Shirar kala duwan oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka ayaa ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaana isa soo taraya baaqyada ku saabsan in doorashadu aan la daahin.