Dhuusmareeb (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soo guuray oo alaabtiisa ka soo rartay degmada Dhuusmareeb ee gobolka Galgaduud.
Xasan Sheekh ayaa seddax diyaaradood kaga soo guuray Dhuusmareeb isla markaana dhamaan uu soo qaatay agaabkii Madaxtooyada ee halkaas uu u rartay inuu uu joogay Dhuusmareeb.
Sidoo kale waxa Dhuusmareeb ka soo baxay ciidamo kale oo la socday Madaxwaynaha iyo shaqaalahii la socday intuu uu hoggaaminayay howlgalka ka dhanka ahaa kooxda Al- Shabaab.
Madaxwaynaha ayaa bilooyin badan waxa uu ku sugnaa degmada Dhuusmareeb , waxaana tan iyo intaas uu howlaha kale ee shaqada Madaxtooyada uu ka waday Dhuusmareeb.
Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isku maray Baydhaba iyo Xudur oo kala ah gobollada Bay iyo Bakool, wuxuu sahminayey hanaanka loo bilaabi karo wajiga labaad ee dagaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmaha soo socda u safraya dalka Ingiriiska, halkaas waxaa ka dhacaya kulamo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya