Muqdisho (ONKOD ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya dhaxdooda ayaa maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamay meelo kala duwan oo dalka ah sida Jowhar iyo magaalada Muqdisho.
Ciidankan ayaa isku maandhaafa arrimo ku saabsan , maamulida baraha kantarool ee ay ku sugan yihiin ama kala shaki soo kala dhax gala labada dhinac ee ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka – hadashay dagaal dhax mara ciidanka dhaxdooda isla markaana soo saartay digniin arrintaas la xiriirta.
Wasaaradda ayaa si gaar ah waxa ay diirada u saartay warka ka soo baxay dagaalkii ciidanka Dowladda ku dhaxmaray magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle halkaas oo lagu weeraray ciidanka Guddoomiyaha Barlamaanka maamulkaas.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ka xun tahay dhacdadii shalay ka dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay xanuunka la qayb-saneyso HirShabelle, gaar ahaan mas’uuliyiintii iyo askartii ku dhaawacantayt dagaalkaasi.
“Wasaaraddu waxa ay xanuunka la qaybsaneysaa mas’uuliyiinta iyo ciidamada ay halkaasi waxyeeladu kusoo gaartay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.
Si – kastaba ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan waxa uu iska hor imaad ku dhaxmaray meelo badan oo dalka ah .