Muqdisho (ONKOD ) Sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah qarax ayaa lala eegtay guri ay degnayeen qaar ka mid ah ehalada Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Guriga la qarxiyay waxa uu ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho , halkaas oo qaraxa ka dib ay gaareen ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ahaa miino lagu xiray guri kuyaalla degmada Cabsicasiis, guriga qaraxa lagu xiray ayaana la sheegay in uu lahaa sargaal katirsan dowladda Soomaaliya.
Lama oo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxa miino ee lagu xiray guriga kuyaalla degmada Cabdicasiis, waxaana la sheegay xilliga uu qaraxa dhacayay in uu guriga ka maqnaa sargaalkii deganaa.
Dowladda Soomaaliya wali wax faahfaahin ah ma aysan ka soo saarin qaraxan ka dhacay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Dhawaanahaba magaalada Muqdisho waxaa ka jiray falal amni darro oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka caasimada ku nool.