Muqdisho (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ka hor shirka Golaha wadatashiga Qaran.
War ka soo baxaya kulanka Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Laftagareen ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada- hadleen arrimo ku saabsan Dastuurka .
Madaxwaynaha ayaa galangal ugu jira sidii wax ka bedelo loogu sameeyn lahaa Dastuurka KMG si loo baa’biyo awooda Ra’iisulwasaaraha .
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ol’ole weyn ugu jira sidii Barlamaanka Soomaaliya u dhaqan galin lahaa qodobada wax ka badalka dastuurka ee ku jiray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay bishii may ee sanad kan 2023.
Laftagareen ayaa dhankiisa bilaabay sida wararka la helayo ay sheegayaan siduu uu u dhaqan galin lahaa go’anka Xasan Sheekh oo Dastuurka wax ka bedelkiisa
Shirka Golaha Wadatashiga ka hor oo aan la ogayn in Puntland ay ka soo qayb galayso iyo in kale ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa la sheegayaa inuu bilaabay la kulanka Madaxwaynayaasha maamulada.
Sidoo kale xildhibaanada Golaha shacabka ayaa dhankooda wada mooshin ku saabsan damaca Xasan Sheekh ee wax ka bedelka Dastuurka oo ka dhashay xiliganba buuq siyaasadeed.