Laascanood (ONKOD) Magaalada Laascanood ee gobolkaSool waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco shir guud oo ay leeyihiin Odayaasha iyo isimada maamulka SSC- Khaatumo.
Magaalada waxaa la filayaa in ay gaaraan xubnaha ka qayb galaya shir muhiim ah oo uu ku baaqay Hoggaamiyaha maamulkaas Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa dhammaan hoggaanka dhaqanka SSC ku wargeliyay in ay soo xaadiraan shir deg deg ah ku saabsan marxaladda siyaasadeed ee taagan.
Wararka ayaa sheegaya in shirka looga arrinsanayo go’aanka ku habboon ee laga qaadan karo arrimaha doorashada Puntland gaar ahaanna xulista xildhibaannada.
17-ka xildhibaan ee Baarlamanka Puntland waxaa ka taagan dood adag taas oo qayb ka ah waxyaabaha ugu badan ee looga hadli doono shirka deg deg ah ee uu ku baaqay hoggaamiyaha SSC Khaatumo
Shirkan ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim oo ku saabsan hanaanka maamul iyo sida ay tahay in laga yeelo xildhibaanada Puntland ee ka soo galay Sool iyo Sanaag.