Dowladda Federaalka oo hub iyo ciidan hor leh geysay Magaalada Raaskambooni

|

Sida ay wararka sheegayaan waxaa maanta Magaalada Raaskambooni ka degay diyaarado ka baxay Muqdisho,kuwaasi oo la sheegay inay wadeen ciidamo iyo saanad milatari.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in sababta ay dowladda ciidamada ugu sii wado Magaalada Raaskambooni, ay tahay mid ay ku xoojineyso dhaq-dhaqaaqa ciidan ee maalmihii lasoo dhaafay halkaasi kawaday.

Si sax ah looma oga tirade Askarta maanta laga dejiyay Raaskambooni, balse warar madax-banaan ayaa sheegaya in ka badan 200 Askari ay halkaasi gareen.

Sidoo kale Ciidamo kale oo kuwa xoogga oo ka baxay aaga Magaalada Kismaayo ay gareen Magaalada Raaskambooni, oo hadda ah furinta dagaalka u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawishta Maamulka Jubbaland.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan,balse siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in dowladda ciidamada ay ku daabuleyso Jubbada Hoose, ay xaalada sii kordhin karto, iyada mar-sii horeysay uu wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu sheegay in ciidamada dowladda ay geysay Magaalada Raaskambooni ay ku xoojineyso dagaalka Al-shabaab,isla markaana sidoo kale ay la waregeen agagii ay ka baxeen ciidamada AMTIS ee ka howlgalayay Magaaladaas.

Sikastaba, tagi taanka diyaaradaha maanta ee Magaalada Raaskambooni, ayaa ku soo aadaya iyada oo Jubbaland ay shirkadaha diyaaradaha uga digtay in ay tagaan Magaaladaas, maadama xiisad isku badali karta gacan ka hadal ay halkaasi ka taagan tahay.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha