Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daahf-uray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029, kaasi oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo isla Xisaabtan”.
Istaraatiijiyaddu waxey salka ku heysaa mabda’a cadaaladda muwaadinka ay u adeegayso uu aasaas ka yahay, si gaar ah iyadoo u hiilineysa shacabka qaybihiisa nugul sida haweenka, carruurta.
waxeyna si cad u qeexaysaa waddada loo marayo dhismaha hannaan cadaaladeed isku dhafan, la jaan-qaadaya nidaamka federaalka, kuna saleysan qiyamka, dhaqanka iyo diinta suuban.
Sidoo kale waxa ay tixgelinaya duruufaha iyo baahiyaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay waajahayaan.