Xildhibaan Xasan Firimbi oo raali geliyay Askari uu ugu gacan qaaday gudaha xarunta Golaha Shacabka

|

Xildhibaan Xasan Firimbi oo katirsan Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa raali gelin ka bixiyay gacan qaadkii ugu xarunta golaha shacabka ugu dhex-gestay mid kamid ah Saraakiisha ilaalada xarunta, waxaana talaabada raali gelinta ah in muddo ah ka shaqeynayay guddiga xeer hoostaadka Anshaxa iyo daryeelka ee golaha shacabka ee Baaralamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Firimbi ayaa sheegay in Sarkaalka uu u gacan qaaday in Shacabka Soomaaliyeed uu raali gelin siinayo,isaga oona sidoo kale cafis weydiistay Sarkaalkii uu u gacan qaaday,isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay inuu qaadanayo mas’uuliyada wixii ka dhacay xarunta golaha shacabka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyay xalka laga gaaray dhacdo 27-kii Bishii November ka dhacday Golaha Shacabka ka dib markii Xildhibaan Xasan Firimbi oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka uu gacan u qaaday sarkaal ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

Dhinaca kale kulanka ayaa ka dhacay hoyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,iyada oo ay madasha jog joog ka ahayeen Habdhowraha golaha shacabka  Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan ( Nuux), iyo Xildhibaan Maxamed Cajiib oo ah guddoomiyaha xeer-hoostaadka anshaxa, iyo Senatoro katirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

 

Related Articles

News In English

Fikradaha