Batuulo Axmed Gaballe Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay geeri ka xirto in guriga Hooyooyinka laga wareejiyo wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Batuulo, ayaa hoosta ka xariiqay in xalay Dowladda ay ciidamo keentay xarunta Guriga Hooyooyinka, waxa ayna Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, ku eedeysan inuu warqad u saxiixay Wasaaradda Qoyska,isla markaana arrintaasi ay tahay mid laga xumaado.
Sidoo kale waxa ay Madaxweynaha Soomaaliye ku eedeysay inuu qeyb ka yahay bixinta Guriga Hooyooyinka, isla markaana aysan aamusi doonin ayna qaban doonaan baan-baxyo waa weyn looga soo horjeedo talabadaasi.
“Baashi Gaboo, ayaa waxaa lagula heshiiyay inuu beeciyo Guriga Hooyooyinka,isla markaana lacagta ka timaada ay qeyb sadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha,taasina aysan suura geli doono ayey warbaahinta u sheegtay Batuulo”
Sikastaba, Guriga Hooyooyinka Qaranka ayaa ku yaalla kasoo horjeedka Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Degmada Xamar weyne, waxaa hadda ku shaqeeya Ururka Haweenka, Guddiga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda dhexe, Radio Kulmiye, iyo wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya, lamina oga sida ay xaaladan ku joogsan doono, maadama Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay horay burburisay, Dhulul badan oo ay Qabuuro ku jiraan, kuwaasi oo ay sheegtay inay Dowladda ku qaban doonto adeegyo danta guud ah.