Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lala eegtay kolonyo ay wateen ciidanka Kenya oo marayay deegaan hoostaga Magaalo xeebeedka Lamu ee dalkaasi.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka la geliyo ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Deegaanka Kaambooni oo hoostaga Magaalada Laamu, waxaana xiliga ciidanka qaraxa lala beegsanayay ay sameynayeen howlgal lagu xaqiijinayo amniga.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha soo gaaray ciidanka maadama qaraxa kaddib ay rasaas badan ay fureen, taasi oo keentay inay xog badan laga helin khasaaraha soo gaaray ciidanka.
Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxa ayna baahiyeen in qaraxa ay ku burburiyeen gaariga ay wateen ciidanka Kenya halka askartii ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.
Marka laga soo tago sheegashada ay Al-shabaab, majiro ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka Kenya oo ay kaga hadlayaan khasaaraha ciidankooda kasoo gaaray qaraxa lagula eegtay Deegaanka Kaambooni ee dalkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada deegaanka uu qaraxa ka dhacay ay deggan tahay, isla markaana ciidanka Kenya ay sameeynayaan howlgal ay ku baadi goobayaan xubnihii ka dambeeyay qaraxa.