Cali Jeyte oo wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii ay qaatay dowladda Federaalka

|

Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, hadana ah taliyaha guud ee ciidanka deegaanka Macawiisleey, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay howlgalka ay wadaan iyo ciidankii ay dowladda geystay deegaanada Jubbaland.

Cali Jeyte ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda ay ciidamo ku daabusho Jubbaland, iyada oo  ciidamada uu hoggaaminayo ee Macawiisleey ay garab ka wayeen dowladda, isla markaana hubka ay ku dagaalamayaan ay iyaga soo iibsadeen, balse waxa uu tilmaamay in wax lala yaabo inay tahay in dowladda ay ciidanka ku daabusho hal jiho oo kali ah.

“In ay dagalamaan dad maaskiin ah oo qoryaha ay wateen geeloodi ku soo beegsadeen, ayna helin saanad, iyo mushaar midna halka ciidamada  Soomaaliya lagu daad gureeyay hal jiro, taasi oo qalad ma ahan dadka Soomaaliyeed baan weydiinayaa” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray dalalka dowladda Soomaaliya ka tageera dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, in loo baahan yahay in dalalkaasi ay hoos u eegaan wax aka socda gudaha Soomaaliya.

Siastaba, hadalka Cali Jeyte Cismaan, ayaa ku soo aadaya xili ciidamadii ay dowladda geysay Jubbaland, qorshihii loo geeyay uu fashilmay kaddib markii dagaal ka dhacay deegaanka Raaskambooni looga adkaaday ciidanka dowladda, iyada oo ay xusid mudan tahay in ciidankii dhaawacmay iyo kuwii isdhiibay dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Related Articles

News In English

Fikradaha