Dabley hubyesan oo ciidamo ku dilay dowlad deegaanka Soomaalida

|

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen deegaanka Dacawaley oo katirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ilaa iyo 5 askari oo katirsan ciidanka booliska dowlad deegaanka, ayaa weerarka ku dileen maleeshiyaadka hubeysan halka tiro kalana ay ku dhaawaceen.

Weerarka ayaa daba socday ka gadaal markii dagaal kooba uu dhax-maray ciidamada dowlad deegaanka iyo maleeshiyaadka hubeysan, kaasi oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Dacawaley oo katirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Mas’uuliyiin u hadashay xukuumadda is-maamulka Soomaalida itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in xiliga uu weerarka dhacayay ay ciidanka deegaaka u jogeen xalinta khilaaf halkaasi ka jiray, balse ay weerarka ay kala kulmen dableyda hubeysan.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Xukuumadda waxa ay shegeen inay hadda wadaan dedaalo lagu xalinayo xiisadda iyaga oo baaq nabadeed u diray shacabka ay colaada ka taagan tahay deegaankooda.

Sikastaba, falkan weerarka ayaa ku soo aadaya xili todobaadkii hore deegaanka Dacawaley lagu dilay madaxii amniga degmada Yoocaale iyo labo ruux oo la socotay iyada oo weerarkaasi ay geysteen dabley hubeysan oo la garan halka ay katirsan yihiin.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha