Siciid Deni oo ku dhawaaqay in Puntland ay sameysan doonto lacag u gaar ah

|

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee soomaaliya iyo qorshooyinka Puntland.

Siciid Deni ayaa sheegay in haddii dowlada federaalka ku guuldareysato sameynta lacag heshiis lagu yahay, oo raacsan dhammaan nidaamka dawladnimada Faderaaliga ah, ay Puntland ku qasban tahay in ay sameysato lacag ay u madax banaan tahay, ilaa sannadka 2025-ka, taasi oo uu sheegay in la jaanqaadi doonto nidaamka maaliyadeed soomaaliya sida uu hadalka u dhigay Deni.

Sidoo kale Siciid Deni ayaa sheegay in ciidanka puntland ay galeen diyaar-garoow ku aadan sidii deegaanada puntland looga saari lahaa kooxaha argagixisada, isla markaana waxa uu tilmaamay in ciidanka wax walbo loo dhameystay howlgalkana uu bilaaban doono.

Sikastaba, bilo kahor ayey aheyd markii Siciid Deni uu sheegay in Villa Somalia aysan Itoobiya u maageyn arrimo qaran iyo difaac ee ay tahay Dano dhaqaale, taas oo ugu dambeyn soo muuqatay markii madaxweyne Xassan Sheekh heshiis kula saxiixday Ankara, iyadoo aysan Itoobiyaanku damacoodii Bad-raadiskahaa ka laaban, loona ogolaaday in Badda Soomaaliya albaab ka helaan.

Related Articles

News In English

Fikradaha