Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mr. Ammar Ahmed babiker, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wadda shaqeynta labada dhinac, Waxaana kulankan goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure.
Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Mr. Ammar Ahmed babiker ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir mas’uuliyada culus ee loo igmaday.
Waxa uu sidoo kale safiirka amaanay horumarada isdaba jooga ah ee ka socda Caasimadda, isaga oo u balan qaaday in safaarada Suudaan ay diyaar u tahay sidii Maamulka Gobolka Banaadir ugala shaqeyn laheyd dib u hagaajinta Bulaacadaha biyamareenka ah iyo hirgalinta warshadaha wax soo saarka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu duceeyay ummada reer Suudaan in ilaahey uu dib ugu soo celiyo Xasiloonidii iyo Dowladnimadii looga dayan jiray, isaga oo uga mahadceliyay sida dad reer Suudaan ay ugarab istaageen dad Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee lasoo maray.
Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Maxamed Amiir, ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo barnaamij kaste oo ay Safaarada Suudaan ee Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso horumarinta bilicda Caasimadda iyo in fursada shao loo abuuro dhallinyada.