Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wefdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Itoobiya, ay ku soo wahan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.
Wefdiga ka socda Itoobiya oo isugu jira mas’uuliyiin kala duwan ayaa la qorsheynayaa in saacadaha soo socda ay soo garaan Muqdisho.
Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo sheegay in wefdiga Itoobiya ka socda uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Itoobiya Gen. Burhan Julla iyo xubno kale.
Safarka wefdiga Itoobiya, ayaa waxaa la sheegay inuu daaran yahay dhameystirka joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ka mid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM.
Sikastaba, Itoobiya ayaa waxa ay dedaal dheer ugu jirta sidii ay uga mid noqon laheyd howlgalka cusub ee AUSSOM, kaasi oo badalaya sanadkan howlgalkii hore ee Midowga afrika ee AMTIS, oo muddo badan ka howlgalayay Soomaaliya.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco