Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay ku dileen horjooge katirsan kooxda Al-shabaab, oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmada Camaara ee gobolka Mudug.
Maxamed Cabdullaahi Muuse oo ah guddoomiyaha Degmada Baxdo ee maamulka Galmudug, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in howlgalka ciidanka ay samayeen ku dileen horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug iyo xubno la socday.
“Howlgalka qorsheysan waxa uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay guryo ku yaala degmada Camaara, waxaana lagu dilay horjoogahii Khawarijta ee gobolka Mudug iyo horjoogahii Canshuuraha ee Khawaarijta, kan Maxkamadaha iyo maleshiyaad kale waxaana tirada guud ee laga dilay Khawarijta ee la xaqijjiyay ay gaareysa 7 dhagar qabe wayna kasii badan karta intaas, maadama howlgalku dhacay xili habeen ah” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay in howlgal kale oo asna ka dhacay isla gudaha degmada Camaara, lagu beegsaday fariismo ay kooxda ku laheyd degmada, isla markaana howlgalka uu u dhacay sidii loo baahnaa, waxa uuna tilmaamay in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay qorsheynayaan in ay la waregeen magaalada Camaara ee gobolka Mudug.
Sikastaba, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maanta xaalada magaalada Caamara ay kacsan tahay, iyada oo ciidanka dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus, oo ay ku donayaan in dagaal culus ay ku qadaan fariisamaha ay kooxdu ku lee dahay magaalada Camaara oo dhacda koonfurta gobolka Mudug.