Muxuu kala hadlay wasiirka cadaalada soomaaliya safiirka dalka Swedan ?

|

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud ayaa qaabilay Safiirka dalka swedan u fadhiya dalkeena Soomaaliya Jouchim wearn.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada cadaaladda iyo dowlad wanaagga. Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay Safiirka halka uu marayo hanaanka dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka kaas oo qorshuhu yahay in la dhameystiro sanadkan 2025.

Safiirka ayaa ballan qaaday xoojinta taageerada hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya asaga oo bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Wasaaradda ka qabatay horumarinta nidaamka cadaaladda iyo arrimaha ku xeeran dhameystirka dastuurka.

Ugu dambeyn Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden sida ay u garab taagan tahay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay inay sii waddo wada-shaqeynta caalamiga ah si loo dhiso sharciyad iyo dowladnimo waarta.

Related Articles

News In English

Fikradaha