RW Xamsa oo tageeray howlgalka ay Puntland kula dagaalameyso kooxda Daacish

|

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay dagaalka ay dowlad goboleedka Puntland ay kula jirto kooxda Daacish, kaasi oo ka socda howlgalkiisa qeybo kamid ah deegaanada maamulkaasi.

Ra’iisul wasaara Xamsa ayaa ciidanka Puntland ku amaanay sida geesinimada leh ee ay ula dagaalamayaan kooxda Daacish, waxa uuna ka dhawaajiyay in gurmad walbo ay dowladda uga baahdaan ay diyaar ula yihiin, ayna garab taagan yihiin maamulka Puntland.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga, ay ciidanka Puntland la garab taagan yihiin gurmad walbo ay u baahan yihiin sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul wasaare Xamsa.

“Dowladda Federaalka waxa ay si buuxda u garab taagan tahay Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira Cadowga Daacish, waxaanan ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen dagaalka cadowga”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Puntland, gaar ahaan Isimada, Culimada, waxgaradka iyo bulshada Rayidka inay dhammaan ay garab istagaan ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira kooxdaha Daacish iyo Al-shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha