Muqdisho (Onkod Radio) – Cabdullahi Cali Axmed, oo loo yaqaanO Caddoow Cali Gees, oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka 10-aad iyo 9-aad ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweyne.
Caddow Cali Gees, oo shir jar’aaid ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu hormuud u noqon doono murashaxiinta isbaddel doonka ah.
Musharrax Madaxweyne Caddow Cali Gees, ayaa sidoo kale hambalyo u diray Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, labadiisa aqal, isagoona kula dardaarmay inay dalka ugu adeegaan si daacad ah, oo isbaddelka dhacay mid la mid ah, dalka ugu doortaan Madaxweyne cusub.