Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa maanta u amba-baxay magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya.
Axmed Madoobe oo doorashadisii laga joogo bil iyo saddex todobaad ayaa safarkiisa ugu horeeyay ugu dhoofay magaalada Nairobo, halkaasi oo la filayo inuu kulamo kula qaato, mas’uuliyiin katirsan dalka Kenya, ganacsato, siyaasiyiin iyo duubabka dhaqanka iyo dad kale.
Sidoo kale warar madax banaan ayaa sheegaya in hoggaamiye Axmed Madoobe uu magaalada Nairobi, ka bilaabi doono kulamo looga hadlayo xaalada dowlad goboleedka Jubbaland, xiriirka xumaaday ee dowladda federaalka iyo kaalmada uu maamulkiisa ka helo beesha Caalamka.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa in muddo ah waxa uu madaxda dowladda federaalka ku eedeynayay inay dooneyso in Jubbaland, ay ka abuurto qalalaaso amni iyo mid siyaasadeed, isaga oo ku baaqay inay dowladda dhexe ay joojiyo arrimo ay isaga horkeyneyso shacabka Jubbaland.