Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha magaalada Baydhabo ku dilay xildhibaan kamid ahaa golaha deegaanka ee degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Alle hau naxariiste Xildhibaanka ayaa la dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa waxaana lagu mgacaabi jiray Cabdulwahaab Maxamed Daqare, iyada oo koxihii dilka ka dambeeyey ay goobta ka baxsadeen.
Dilka kaddib ciidanka ammaanka magaalada Baydhabo, ayaa sameeyay howlgal ay ku baadi-goobayaan raggii dilka ka dambeeyey balse saraakiisha ayaa howlgalka kaddib sheegay in weli aysan soo qaban raggii falka dilka ka geystay.
Dhinaca kale madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan ( Lafta-gareen) ayaa ka tacsiyadeeyey geerida xildhibaan Cabdulwahaab Maxamed Daqare oo kamid ahaa xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Bardaale.
Madaxweyne Lafta-gareen, ayaa amray laamaha amniga in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaalada horkeenaan kuwii ka dambeeyey falka dilka ah.
Sikastaba, weerarada noocaan oo kale ah ayaa dhowr jeer waxaa mas’uuliyadeeda sheegtay kooxda Al-shabaab.