Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya Kulankoodi caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho, uuna shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, ayaa looga hadlay qodobo kala duwan.
Kulanka golaha wasiirada, ayaa cusboonaysiin loogu sameeyay muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka hey’adda Naafada Qaranka, si ay usii wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.
Sidoo kale kulanka golaha wasiirada, ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan, iyadoo golaha lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee wasaaraddaha iyo hey’adaha dalka iyo dhaqaalaha dalka.