Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka koofur galbeed waxaa maanta gaaray wefdi ka kooban laba xubnood oo Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha kamid ah.
Labada mas’uul ee gaaray magaalada Baydhabo, ayaa kala ah Yusuf Abdulkadir Mohamed iyo Abdirahin Abdulahi Shaafici, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin katirsan maamulka koonfur galbeed.
Ujeedka ay wefdigan ka tirsan guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka u tageen magaalada Baydhabo, ayaa waxaa lagu sheegay in tahay howla shaqo oo ku Saabsan Qabsoomida Doorashada Qof iyo Cod, iyo inay kulamo la qaataan madaxda koonfur galbeed oo ugu horeeyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.